Sunday, January 18, 2026
24.8 C
Mogadishu

UPDATE: Maxaa ka jira in uu hirgalay heshiiskii ay wada-gaareen Puntland iyo Imaaraadka Carabta? +XOG SUGAN

Boosaaso (Halqaran.com) – Muddo dheer kaddib, waxaa xalay magaalada Boosaaso ee Caasimada gobolka Bari ka baxday dooni sita Xoolo.

Dekadda Boosaaso ayaa waxaa xalay ka baxday Doontii ugu horraysay oo sida xoolo una sii jeeda Dalka Imaaraadka Carabta, sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya, in doonidaan ay saaran yihiin Xoolo dhan 3,990 neef, iyadoo ay Noqonaysa Doontii ugu horraysay ee ka baxda Dekadda Boosaaso, Tan iyo markii lagu soo rogay Xayiradda xoolaha nool ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhawaan sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay Ogolaatay in si toos ah looga dhoofiyo Xoolaha deegaanada maamulka Puntland.

Ugu dambeyn, heshiiskan ay wada gaareen Puntland iyo Imaaradka Carabta ayay ku baxeen xoolahaasi sida uu horay u sheegay Madaxweyne Saciid Deni oo ka hadlaayay Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...