Monday, May 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

UPDATE: Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan magaalada Dhuusamarreeb

Madaxweynaha JF Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Isniinta berri ah ku wajahan magaalada Dhuusamareeeb ee Caasimadda maamul goboleedka Galmudug, halkaasi oo uu ka socdo shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo gabagabada shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo muddo todobaad ah ka socday Dhuusamarreeb, kana qeyb galeen in ka badan 500 oo ergo oo ka socday beelaha Galmudug.

Wararka ay haleyso mareegta Halqaran.com ayaa sheegaya, in Madaxweyne Farmaajo la kulmi doono ergooyinka beelaha, si uu uga dhageysto tabashadooda, isla markaana loo sii wado dadaalada lagu dhisayo Gamudug-ta cusub.

Wafdi horudhac u ah wafdiga madaxweynaha ayaa la filayaa in ay maanta gaaraan magaalada Dhuusamarreeb ee caasimadda Galmudug.

Dadaallo lagu doonayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay Dowladda Federaalka ah ka wadday magaalada Dhuusamarreeb.

Dadaallo uu horkacayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa haatan ku dhow heer gabagabo ah lana rajaynayo in ay kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool ah oo ay u riyaaqaan dadka reer Galmudug.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...