Thursday, November 13, 2025
26.1 C
Mogadishu

UPDATE: Kiisaskii ugu horreeyay oo Cudurka Coronavirus oo laga helay degmada Mandhere ee G/Waqooyi bari Kenya

Gudoomiyaha Degmada Mandhera , Cali Ibraahim Roba

Mandhere (Halqaran.com) – Waxaa Talaadadii maanta degmada Mandhera ee gobolka Waqooyi bari Kenya laga xaqiijiyay kiisaskii ugu horreeyay oo Cudurka Coronavirus ah (COVID-19), waxaana laga helay laba qof.

Labadan qof ayaa waxaa la sheegay in daba-yaaqadii bishii hore ee March ay ka soo safreen Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya.

Gudoomiyaha Degmada Mandhera , Cali Ibraahim Roba, ayaa xaqiijiyay in laba qof oo qaba xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus lagu arkay Degmada Mandhera.

Cali Ibraahim Roba,  ayaa Warbaahinta u sheegay in xanuunka uu Degmada Mandhera uga yimid Magaalada Nairobi, kadib markii dadka laga helay ay halkaasi ka soo safreen.

Wasiirka Caafimaadka ee Dowlad Deegaanka Mandhera, Maxamuud Eeda ayaa sheegay in labadaasi qof ayagoo caafimaad qaba ay 31-kii bishii March soo gaareen Mandhera, markii ay xanuun dareemeena ay tageen isbitaal gaar loo leeyahay oo degmadaasi ku yaala.

Maxamuud Eeda, ayaa sidoo kale sheegay in shaqaalihii isbitaalkaasi ay la soo xiriireen, isla-markaana ay soo gaarsiiyeen in ay hayaan laba qof oo Nairobi ka yimid, kana muuqato astaamaha Coronavirus. Dheecaano laga qaaday labadaasi qof oo Nairobi loo diray ayuu sheegay in xaqiijinteeda ay maanta soo gaartay, lagana helay xanuunka.

Mar uu laanta Af Soomaaliga ee BBC-da uu la hadlay wasiirka ayaa xusay, maalintii ay warka labadaasi qofba ay helayn, qoysaskoodu ay ku amrayn in ay guryahooda isu karantiilan, isla-markaana aysan dadka la kulmin, illaa iyo inta xanuunka laga xaqiijinayo, taasoo sida uu sheegay ay u hoggaansamayn. Sidoo kale waxa uu cadeeyay inay guryahooda ku karantiileen shaqaalihii isbitaalka, ee labadaasi qof qaabishay. Isbitaalka iyo guryaha ay qoysaska labadaasi nin degan yihiin ayuu sheegay in ay intaba buufiyeen.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray, in ay ku daba jooggaan dadkii kale ee la socday baskii ay dadkaasi kaga soo safreen Magaalada Nairobi, inkastoo buu yiri aysan hawl-yar ahayn.

Ugu dambeyn, bulshada ku dhaqan Degmada Mandhera ayaa aad u hadalhaysa kiisaska markii ugu horreysay laga xaqiijiyay degmadooda, iyadoo dhanka kalena ay walaac xoogan ka muujiyeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...