Saturday, May 23, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: Khilaafkii ka taagnaa xil wareejinta G/Hiiraan oo la soo afjaray & Munaasabadda xil-wareejinta oo dhacday

Baleweyne (Halqaran.com) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Carraale ayaa xilkii ku wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee gobolkaas Cali Jeyte Cismaan, kaddib dedaal ay maalmahaan wadeen odayaasha dhaqanka oo lagu guuleystay in lagu soo afjaro khilaafkii ka dhashay xil ka qaadistii Cali Carraale.

Xil wareejinta ayaa waxa ay ka dhacday Xarunta Maamulka Gobolka, waxaana goobjoog ahaa Odayaasha Dhaqanka uu ugu horeeyo Ugaas Xasan iyo Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada Baledweyne.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Caraale ayaa sheegay inuu xilka si rasmi ah u wareejiyay, islamarkaana Maamulka cusub uu la shaqeyn doono.

“Maanta waa maalin muhiim ah xil-wareejintan waxaay kutimid wadahadal mudo socday oo aay ila yeesheen ugaas Xasan ugaas Khaliif iyo saraakiisha AMISOM, runtii aniga iyo walaalkeey waxba nooma dhaxeeyn, laakiin waxaa dastuurka hareer maray madaxweyne Waare, maanta waxaan cadeeynayaa inaan xilkii ku wareejiyay gudoomiye Cali Jeeyte waana lashaqeeyn doonaa” ayuu yiri Cali Caraale.

Cali Jayte Cismaan guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay tallaabada guddoomiyihii hore uu xilka ugu wareejiyay, waxaana uu sheegay Bulshada Gobolka inay la shaqeeyaan Maamulka cusub.

Maalmo khilaaf uu ka taagnaa xil ka qaadistii Madaxweyne Waare uu ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Caraale, ugu dambeyn maanta ayeey soo afjarmatay arrintaasi.

Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa dhankooda si wanaagsan u soo dhaweeyay tallaabada xilka uu ku wareejiyay Guddoomiyihii hore.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...