Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

UPDATE: Duqeyn ka dhacday Jubbooyinka oo lagu dilay Saddex ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab

Bangeeni (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duqayn ay Axaddii shalay ka dhacday degaanka Bangeeni oo ku taal degaan u dhexeeya Jamaame iyo Koban.

Dawladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay dhowaan soo saartay ku sheegtay in duqayntaas lagu dilay saddex ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Duqyantan ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Al-Shabaab oo aysan waxba ku noqonin dad rayid ah.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqayntan la fuliyey iyadoo iskaashi lala sameeyey ciidamada Maraykanka.

Waa duqayntii saddexaad ee Maraykanku uu ka gaysto Soomaaliya sannadkan cusub gudihiis.

Deegaanka Bangeeni ayaa ku taal degaan u dhexeeya Koban iyo Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...