Wednesday, January 14, 2026
26.9 C
Mogadishu

UPDATE: Degmada Buulo-barde oo laga kala cararay, fatahaada webiga Shabeelle dartiis!

Buulo-barde (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo Barde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka soconayo barakac ay samaynayan dadka deegaanka, ka dib markii uu Webiga Shabelle bilaabay in uu degmadaasi ku fataho.

Shacabka ku dhaqan Degmada Buulo Barde ayaa Sabtidii bilaabay in ay guryahooda ka cararaan, iyagoo gaaraya deegaanada ka baxsan degmadaasi ee aanay saamayn fatahaadaha Webiga Shabelle.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in Webiga Shabelle uu maalmihii la dhaafay ku fatahaayay Degmada Buulo Barde, balse uu shalay sameeyay fatahaaddii ugu darneyd, taasoona dadka ku khasabtay in ay guryahooda ka cararaan.

Sidoo kale, waxaa lagu soo warramayaa, in Axada maanta ah uu barakac hor leh ka soconayo Degmada Buulo Barde, ayna dadku ka cararayaan waxyeelo ka soo gaarta fatahaadaha.

Gudoomiyaha KMG ee Degmada Buulo Barde Liibaan Cabdi Nuur (Burisow), ayaa sheegay in fatahaadaha Webiga Shabelle ay kala jareen labada qaybood ee degmadaasi, kadib markii ay biyo badan soo galeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...