Monday, May 25, 2026
26.2 C
Mogadishu

UPDATE: Dab dhimasho sababay oo caawa ka kacay guri ku yaalla magaalada Baydhabo

Baydhabo (Halqaran.com) – Warar goor-dhow naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in caawa dab xooggan uu ka kacay guri ku yaallo Magaalada, kaasi oo sababay Khasaare dhimasho ah.

Wararka ayaa sheegaya in saddex ruux oo ku sugnaa guriga dabka uu ka kacay in ay ku geeriyoodeen dabkaasi, waxaana saddexda ruux ay kala ahaayeen Aabe iyo laba carruur uu dhalay.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga dabkaan waxa sababay, balse xaafadda amuurtaan ay ka dhacday, ayaa waxaa lagu magacaabaa Hawlwadaag, gaar ahaan wadada aada Onodka Baydhabo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay Aabaha guriga iyo labada carruur in laga badbaadin waayay xaaladda dabka ugu dambeyna ay ku geeriyoodeen.

Aabaha dhintay ayaa magaciisa waxaa lagu soo koobay Cumar sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa taalla hal dabdamis oo dhex taalla Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud ee Magaaladaasi, waxaanan jirin dab-damis kale oo magaalada laga isticmaalo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...