Muqdisho (Halqaran.com) – Askarigii ugu horreeyay oo ka tirsan ciidamada AMISOM una dhashay dalka Uganda oo ku sugan gudaha Soomaaliya aaa la sheegay in laga helay Cudurka Coronavirus (Covid-19).
Warar ayaa sheegaya, in askarigan Ugaandheyska ah uu ka hawlgalayey dekedda magaalada Muqdisho oo dhaq-dhaqaaqeedu badan yahay.
Askarigan ayaa ka bixin Soomaaliya mudo lix bilood ah, taasi oo micnaheedu tahay in uu qaaday intii uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya.
Waa askarigii ugu horreeyey ee ka tirsan ciidamada AMISOM ee laga helo cudurka Coronavirus ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya, in hawlagalka Amisom uu qaaday tallaabooyin caafimaad oo uu ka dhaqangeliyey xarunta hawlgalka Amisom iyo xarumaha kale ee ciidamada oo ay ka mid yihiin wacyigelin, goobo biyaha faraxalka laga helo, saabuun iyo weliba goobo lagu karantiilo dadka looga shakiyo xanuunka.
Ugu dambeyn, gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan laga diiwaangeliyey 528 kiis oo COVID-19 ah, iyo dhimashada 28 qof oo cudurkaas u geeriyooday.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






