Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

TURKIGA oo war xasaasi ah ka soo saaray Xaaladda siyaasadda Somaliya & doorashada 2020-ka

Istanbul (Halqaran.com) – Wasiirka Arrimaha dibedda Turkey ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay taageerada Turkiga, si loo xaqiijiyo ina la helo xasillooni siyaasadeed islamarkaana dib loogu dhiso ciidamada qaranka, si ay taasi u abuurto jawi nabadeed oo fududeynaya horumar dhanka dhaqaalaha ah.

Mevlut Cavusoglu ayaa hadalkan ka jeediyay kulanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka furmay magaalada Doha ee dalka Qatar.

“Waa waajib saaran ummadda Islaamka in laga saaro dhibaatada heysata Soomaaliya, wuxuu ku sii daray in la sameeyo is af-garad si meesha uu uga baxo khilaafka jira” ayuu yiri Cavusoglu.

Cavusoglu wuxuu sheegay in loo baahanyahay iskaashi si kor loogu qaado maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay dunida.

“ Somaliya waxay u baahantahay garab istaageenna si loo helo xasillooni siyaasadeed iyo in la hir-geliyo ciidamada qaranka Soomaaliya, taas oo horseedi karta nabad iyo horumar dhaqaale”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Wasiirku wuxuu yiri Turkigu waxa uu qeyb ka qaatay dhammaan dadaallada caalamiga ah ee kaa socda Somaaliya.

Mr. Cavusoglu ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in Turkigu gacan ka geysanayo wada-hadallada u dhaxeeya Soomaaliya iyo maamulka Somalilaan , iyo doorashooyinka 2020-ka lagu qabanayo dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...