Muqdisho (Halqaran.com) – Hadal jeedinta musharraxiinta Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada ee Golaha Aqalka Sare ayaa hadda ka socoto xarunta Aqalka Sare ee magaalada Muqdisho, taasoo socon doonta muddo dhan labo maalmood.
12 Musharax ayaa u soo bandhigi doona xildhibaanada ballanqaadkooda ku aadan waxyaabaha ay qaban doonaan Afarta sano ee socota haddii ay ku guuleystaan guddoonka Aqalka Sare.
Musharraxiinta is-diiwaangaliyay ee maanta hadalkooda jeedinaya ayaa kala ah:
Guddoonka Golaha Aqalka sare waxaa isku soo sharraxay Labo iyo Toban Musharrax oo kala ah:-
Musharraxiinta Xilka Guddoomiyha:
1- Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi
2- Senator Saalax Axmed Jaamac
3- Senator Cismaan Obokor Dubbe
Musharraxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad
1- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed
2- Senator Cali Shacbaan Ibraahin
Musharraxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad
1- Senator Ilyaas Badel gaboose
2- Senator cabdullaahi shiikh Ismaaciil (Fartaag)
3- Senator Cabdullaahi cali Xersi
4- Senator Sareedo Maxamed xasan
5- Senator Xasan Xuseen xaaji
6- Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade)
7- Senator Cabdi Cismaan xareed
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





