Thursday, March 12, 2026
26.7 C
Mogadishu

TOOS U DAAWO: Doorashada Guddoomiyaha BF Somaliya oo ka socota Teendhada Afisyooni

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa caawa Magaalada Muqdisho ka socota Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, waana doorasho ay wax dooranayaan Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka.

Doorashada oo ka socoto Teendhada Afisyooni ayaa lagu soo dooran doonnaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Labadiisa Ku-xigeeno.

Illaa shan iyo labaatan musharax ayaa loo diiwaangeliyay Guddoonka Golaha Shacabka, iyadoo sideed ka mid ahna ay ku tartami doonaan jegada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan ayaa sheegay in madasha ay fadhiyaan 257 Xildhibaan, oo ay ku jiraan 17 Xildhibaan oo aanan codeyn doonin.

Talaadadii ayaa Magaalada Muqdisho lagu soo geba-gabeeyay Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Haddii caawa la soo geba-gabeeyo Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa looga gudbi doonnaa Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

TOOS U DAAWO Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Caawa ka socota Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

https://www.facebook.com/sntvnews/videos/395674322431235/

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...