Saturday, May 9, 2026
29.9 C
Mogadishu

Taliye cusub oo loo magacaabay saldhiga degmada Wadajir, kaddib markii xilka laga xayuubiyay kii hore

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya, ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Wadajir Cabdi Baasid.

Xil ka qaadistaan ayaa timid, kadib markii shalay ay Al-Shabaab tiro madaafiic ah ka tuureen Degmada Wadajir, waxaana Madaafiicdaasi ay ku dhaceen Xerada Xalane.

Taliyaha Saldhiga Degmada Wadajir oo Madaafiicdaasi wax laga waydiiyay ayaanan bixin jawaab sax ah, taasi oo keentay in Taliyaha qaybta guud ee Booliska Saadaq John uu xiro Taliyaha Booliska Saldhiga Wadajir.

Intaasi kadib ayaa xalay saqdii dhexe waxaa soo baxday warqada xil ka qaadistiisa, waxaana Saldhiga loo magacaabay Sarkaal cusub.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa Saciid Cali Maxamuud u Magacaabay taliyaha Saldhiga Degmada Wadajir.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Saldhiga Gobolka Banaadir ayaa lagu amray inay kordhiyaan shaqooyinka ay ka hayaan Degmooyinka ay maamulaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...