Monday, May 4, 2026
28.4 C
Mogadishu

Sidee Isbitaallada loogu qeybiyay dadkii maanta ku dhaawacmay qaraxii Ex Kontorol Afgooye?

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxay faah faahin ka soo baxaysaa sida isbitaalada Magaalada Muqdisho loogu kala qaaday dadkii maanta ku waxyeeloobay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Galbeedka Magaalada Muqdisho.

Dhakhaatiirta caafimaadka ee ka hawlgasha Magaalada Muqdisho ayaa qaabilay dhibane-yaal la soo gaarsiiyay, iyagoona xilligan la tacaalaya dhaawacyadii la soo gaarsiiyay.

Dhibane-yaasha oo intooda badan la geeyay Isbitaalka Madiina ayaa waxay maamulku sheegeen in la soo gaarsiiyay meydadka 73 qof iyo dhaawacyada 52 kale,

Isbitaalka Digfeer ayaa la geeyay meydadka 3 qof iyo dhaawaca 35 kale, iyadoo isbitaalka Somali Sudanese la geeyay 1 qof oo meyd ah iyo 15 kale oo dhaawac ah, isbitaalka Kalkaal waxaa la gaarsiiyay 10 qof oo dhaawac ah, isbitaalka Shaafi ayaa la geeyay 8 dhaawac ah, halka Daaru Shifa la gaarsiiyay 6 dhaawac.

Tirada dhimashada ayaa ah 77 qof, halka dhaawacuna uu sii caga-cageynayo 126 qof.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in argagixisadu ay maanta xasuuqday dad aan waxba galabsan.

Dadka khasaaraha ugu badan uu weerarkaasi ka soo gaaray ayaa ah arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir ee Magaalada Muqdisho. Gaari ay la socdeen ayuu qaraxa ku qabsaday wadada.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyadda weerarkan, balse weerarada ceynkani oo kala ah ayaa waxaa aallaaba dusha u rita mintidiinta Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...