Wednesday, May 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Shil khasaare dhimasho ah sababay oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaddib markii…

Shil gaari ka dhacay Muqdisho /Sawir hore/

Muqdisho (Halqaran.com) – Shil khasaare gaystay ayaa Khamiistii maanta waxa uu ka dhacay Isgoyska Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kadib markii gaari xamuul uu jiiray Mooto Bajaaj.

Wararka ayaa sheegaya, in mooto Bajaajta ay saarnaayeen laba ruux oo dumar ah iyo ninkii waday, waxaana halkaasi ku dhintay labadii ruux ee dumarka ahaay ee saarnaay Mootada.

Darawalkii waday gaariga wayn ayaa meesha ka cararay, kadib markii uu gaystay shilkaasi labada qof ay ku dhinteen.

Gaariga xamuulka ayaa hadda wuxuu yaalla Isgoyska Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo ah goobta shilka uu ku galay.

Ciidamada illaalada waddooyinka ee loo yaqaan Taraafikada ayaa tagay goobta shilka uu ka dhacay, waxaana meesha laga qaaday maydka labada ruux ee shilkaasi ku dhintay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...