Sunday, June 14, 2026
26.5 C
Mogadishu

SAWIRRO: Taliska Booliska AMISOM oo qalab ugu yaboohday booliska Koonfur Galbeed

Baydhabo (Halqaran.com) – Taliska Booliska AMISOM ayaa qalab ugu yaboohay Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed, kadib kulan loogu wareejinaayay qalabkaasi oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Sida lagu sheegay war qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Amisom ayaa wuxuu qalabkan isugu jiraa kuraas, miisas iyo kabarada armaajooyinka.

Sidoo kale, qalabkan ayaa loogu tala-galay in loo qaybiyo Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ee ka hawlgala Degmooyinka Afgooye, Marka, Baydhabo, Xudur iyo Berdaale.

Saraakiil Booliska AMISOM ka tirsan ayaa waxay deeqdan ku wareejiyeen Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Cali Subag. Wasiir Subag ayaana qalabkan u wakiishay inuu la wareego Taliyaha Booliska Baydhabo, Mukhtaar Ibraahim Axmed.

Deeqdan ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli dowladdu ay qorsheynayso in ciidan hor leh ay gayso saldhigyada ku yaala degmooyinkaasi, iyadoona uu qalabkan anfici doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...