Sunday, September 13, 2026
26.9 C
Mogadishu

SAWIRRO: Golaha Aqalka sare ee BFS oo Ansixiyay Hindise-sharciyeedka maareynta iyo maaliyadda dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 17-aad ee Kalfadhiga 6-aad, waxaana kulankaan shir guddomiyay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi. Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa:

1.Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.

2.Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka shirkadaha.

3.Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.

Xubnaha golaha Aqalka sarre ee baarlamaanka dalka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud, Waxaa ogaalada 28 Senatar, waxaa diiday 1- Sanater cid ka amuustayna majirin.

Si kastaba, waxaa shirka soo xiray Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...