Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

SAWIRO-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Oo Maanta Ka Qeyb Galey Xuska 29-ka October oo ah maalinta qaranka Turkiga

Mugdisho (halqaran.com)-

Xarunta Safaaradda Walaalaha Turkiga ee Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa lagu qabtay Xuska 29-ka October oo ah maalinta qaranka walaalaha Turkiga

oo sanad walba marka la gaaro 29-ka October maanta oo kale ay xusaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Bfs Mudane Maxamed Mursal Sheeekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaaahi iyo mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ka qeyb galay xuska maalinkan.

Ugu horeyn safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa ka hadlay muhiimada maanta oo kale ay u leedahay shacabka iyo dalweynaha Turkiga.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka walaalaha Turkiga iyo dowladooda la u diray hambalyo ku aadan maalinta Qaranka ee Dalkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhankiisa Hambalyo u diray walaalaha turkiga ayaa aad uga hadlay xiriirka walaaltinimo ee aan la leenahay Dalka Turkiga iyo sidoo kale muhiimada maanta oo kale ay u leedahay shacabka Turkiga

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...