Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Safar hal maalin qaadan doona ugu ambabaxay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland,
RW Rooble wuxuu halkaas uga qeyb gali doonaa shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaarta ee ka jirta Soomaaliya.
Shirkan oo ay ka soo qeyb gali doonaan madax sarsare iyo wasiirro ka kala socda dalalka deeq bixiyaasha ah ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka jeedin doonaa khudbad ka turjumaysa xaaladda bini’aadannimo ee dalka ka jirta ee ka dhalatay abaaraha ba’an ee dalka ku dhuftay.
Ugu dambeyn, ka qeyb galka Ra’iisul Wasaaraha XFS ee Shirka Geneve ee arrimaha abaaraha, xilli ay gebogebo mareyso howsha doorashada ee uu hormuudka u yahay, ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay in indhaha Beesha Caalamka lagu soo jeediyo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan si loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





