Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Shaqadii loo igmaday ee doorashooyinka Guddoonka intooda badan ay soo geba-gabeeyeen.
Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in dhammaan musharraxiinta Guddoonka Golaha Shacabka ay khudbadahooda musharraxnimo jeediyeen, balse waxa kaliya ee harsan ay tahay qabashada doorashada.
Wuxuu intaasi ku daray Xildhibaan Cabdirisaaq oo Warbaahinta la hadlay in doorashada Guddoonka Golaha Shacabka laga bedelay halkii ay ka dhici laheyd ee Xarunta Villa Hargeysa, loona bedelay Hoolka Afisiyooni.
Sababta arrintaasi ayuu ku sheegay in munaasabadda doorashada la doonayo in la ballaariyo oo dad badan ay kasoo qeyb galaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





