Kismaayo (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha XF Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ee uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga, xukumadda federalka Soomaaliya Xasan Xaaji, ayaa maanta Magaalada Kismaayo kula kulmay taliyeyaasha sare ee ciidamada Amisom qeybta 2-aad ee ka howlgala deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya.
RW Rooble ayaa kala hadlay arrimaha amniga doorashada iyo iskaashiga ay la leeyihiin ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha Jubbaland gaar ahaan howl-galada ka dhanka Ururuka Al-Shabaab ee ka socdo deegaannada Jubbaland, sida gobollada Jubbada Hoose, Jubbada dhexe iyo gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





