Saturday, May 23, 2026
28.9 C
Mogadishu

Qoyska Almas Elman oo dalbaday in baaritaanka socda lagu daro dowladda Canada

Almaas Elman iyo Seygeeda Zakaria Hersi /Sawir hore/

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa weli socdo baaritaan la xiriira dilkii Khamiistii loo gaystay Allaha u naxariistee Almaas Elman, qoyska gabadhaasi ay ka dhalatay ayaa waxa ay soo jeediyeen dalab.

Qoyska Almaas Elman, ayaa waxa ay dalbadeen in baaritaanka socdo lagu soo daro dowladda Canada, maadaama Almaas ay haysatay dhalashada dalka Canada.

Sidoo kale, waxa ay sheegeen qoyska in la joojiyo hadalada kala duwan ee Warbaahinta iyo Baraha Bulshada lagu hadal haayo ee dilka gabadhooda la xiriira.

Dowladda Soomaaliya iyo Amisom ayaa sheegay inay sameynayaan baaritaan lagu ogaanayo cidda ka dambeysay dilkii loo gaystay Almaas Elman oo Khamiistii xabad aan la ogeyn cidda soo riday kula dhacday Xerada Xalane.

Marxuumad Almaas Elman xilligii ay xabada ku dhaceysay ayaa waxa ay ka soo baxday shir Xafiiska Midowga Yurub ee Xalane, waxaana ay ku sii socotay dhanka Garoonka Aadan Cadde, si ay ugu laabato Magaalada Nairobi oo ay ka timid.

Si kastaba, baaritaan horudhac ah oo Amisom ay sameysay, ayaa lagu sheegay xabada dishay Almaas inaysan ka dhex dhicin xerada Xalane, balse baarista ay sii wadayaan Amisom.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...