Sh/Hoose (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya, in qarax khasaare geystay uu halkaasi ka dhacay.
Qaraxan oo ahaa miino nooca dhulka la geliyay ayaa waxaa uu haleelay gaari nooca Soomaalida u taqaano gaari dameer ah, wuxuuna si gaar ah uga dhacay agagaarka deegaanka Bariire ee Shabeellaha Hoose.
Gaari dameerka Qaraxa uu qabsaday, ayaa waxaa saarnaa Aabe iyo wiilkiisa, waxaana Qaraxaasi ay waxyeelo dhimasho ay ka soo gaartay wiilkii oo goobta ku geeriyooday.
Dadka deegaanka oo Warbaahinta la hadlay, ayaa waxa ay sheegeen inay gurmad u sameeyeen Aabihii oo shoogsan, waxaana halkaasi laga soo qaaday maydka wiilkii uu dhalay.
Waddooyinka Gobolka Shabellaha hoose ayaa waxaa Shabaab ay ku aasaan Miinooyinka qaraxyada iyagoo ujeedkooda yahay Ciidamada dowladda iyo Amisom inay ku qarxiyaan, balse xilliyada qaar sidan oo kale dad rayid ah waxyeelo uga soo gaartaa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






