Friday, November 7, 2025
25.6 C
Mogadishu

Puntland oo gaashaanka u daruurtay Dalab kaga yimid M/weyne Farmaajo

Garoowe (Halqaran.com) – Maamulka Puntland ayaa ku gacan seyray dalab kaga yimid Madaxweyne Farmaajo oo ku aadanaa in la sii daayo Xubno ka tirsan Guddiga dhismaha Wadada Bartmaha  Boosaaso oo dhawaan la xiray.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamuud Xasan Ow Cusmaan oo xalay warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in raga xiran ay u xiran yihiin garsoorka Puntland.

Sidoo kale waxa uu sheegay cid kasta uu sharciga ka sareeyo,aysan ka hadli Karin Madaxweyne ama Ra’iisul Wasaare, garsoorka Puntland uu go’aan ka gaari doono.

“Dadka xiran waa muwaadiniin la soo Eedeeyay Maxkamad ayaana la tiigsan doonaa, hadii dambi lagu waayana waa la siideyn doonaa,laakin cid ka hadli karto majirto horay ayaa dad loo xiri jiray dalkana sharci ayuu leeyahay cid soo faragelin kartana majirto ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Xukuumadda iyo Dowlad Goboleedyada.

Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si siman dalka u gaarsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...