Tuesday, April 21, 2026
29.6 C
Mogadishu

XASAASI: Mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

Puntland (Halqaran.com)- Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo olole siyaasadeed oo xooggan.

Ololahaan oo ay wadaan xildhibaano daacad u ah Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa doonayo inay xilka ka qaadaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Kulanka Baarlamaanka Puntland ee Berri dhici doono ayaa la filayaa in la hor geeyo mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Kooxda Aaran Jaan ayaa doonayo inay meesha ka saaraan Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaana Maanta fashil kusoo dhamaaday kulan dhex maray Madaxweyne Deni iyo Guddoomiye Cabdixakiin.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyey Xarunta Baarlamaanka Puntland oo Berri ay ku kulmi doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa codsaday in ciidamada laga qaado Xarunta si berri uu kulanka u dhaco, waxayna wararka sheegayaan in ciidamadii halkaas la geeyey laga qaaday.

Magaalada Garoowe waxaa Caawa ka socdo olole siyaasadeed oo aad u xooggan, waxaana socdo kulamo iska soo horjeedo, waxayna Kooxda Aaran jaan go,aan ku gaartay in xilka laga qaado guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay is khilaafeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...