Monday, May 25, 2026
26.6 C
Mogadishu

Madaxweyne Deni oo caro uga baxay xarunta Golaha Wakiilada Puntland

Puntland (Halqaran.com) –

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Saciid C/llaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 45aad ee Golaha Wakiilada Puntland, waxaana munaasabada furitaanka kalfadhiga uu maanta ahaa mid ka duwan kuwii hore aadna xamaasad badan u lahaa.

Saciid Deni ayaa markii khudbada furitaanka dhameeyay waxaa su’aalo adag uu qaarkood dhibsaday weediiyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Puntland , waxaana Madaxweyne Deni qarsan waayay carada uu ka qaaday su’aalaha Xildhibaanada weediiyeen.

Xildhibaan Cawil Daad oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa weediiyay Madaxweynaha waxa kalifay in kalsoonida shacabka ku qabeen maamulka uu hoos u dhacay iyo sababta keentay in cabsi darteed masaajida Puntland looga qanuudo iyo waxa keenay in ay is khilaafaan isaga iyo Madaxweyne kuxigeenka.

Madaxweyne Deni ayaa si caro ka muuqato uga jawaabay su’aalaha uu Xildhibaanka weediiyay, waxa uuna sheegay in uu ishortaag ku sameeyay xildhibaano fara ku tiris ah oo doonayay in ay la wareegaan awooda maamulka .

Saciid Deni ayaa markii uu su’aasha ka jawaabay si deg deg ah fadhiga uga kacay ugana baxay xarunta golaha Wakiilada Puntland, waxa ayna arintaasi xarunta ka dhalisay guux iyo hadal heyn badan.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin dulqaadku ku yar yahay aadna u neceb dhaliisha iyo toosinta, waxa ayna shacabka Puntland u arkaan nin aan laheyn kartida hogaanimo marka loo eego hab dhaqankiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...