Monday, April 20, 2026
30 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay Shirkii Madaxda gobolka Banaadir ee looga hadlayay weerarkii Hoteel SYL?

Madaxda gobolka Banaadir oo Shir ku jira

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirka amniga Caasimadda ayaa lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir iyadoo wax la iska weydiiyay Weerarkii Habeen ka hor lagu qaaday Hotellka SYL ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo shirka gudoominayay ayaa tilmaamay in la iskula xisaabtami doono sugida amniga islamarkaana loo baahan yahay in la xoojiyo qorshaha nabadgalyda Caasimadda.

Shirka waxaa ka qayb galay saraakiisha u xilsaaran amniga caasimadda Soomaaliya ee Magaalada muqdisho.

Weerarkii Habeen ka hor lagu qaaday Hotellka SYL ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Ururka Al-Shabaab, iyaga oo sheegay inay ku dileen Saraakiil ka tirsan Dowladda.

Waxa ay sheegteen Al-Shabaab inay dileen 28 ruux oo Saraakiil iyo xubno dowladda Soomaaliya u shaqeeya iyo dhaawacyada 39 ruux sida Al-Shabaab ay sheegteen.

Ugu dambeyn, hay‘addaha ammaanka dowladda ayaa soo gaba gabeeyay weerarkaasi oo gabi ahaanba laayay raggii weerarka fuliyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...