Friday, May 8, 2026
28.1 C
Mogadishu

Madaxweyne Siciid Deni oo magacaabay Maxkamadda sare ee Puntland

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Arbacadii maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 77 ee 26-da Oktoober 2022, kuna saabsan magacaabis.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/Guuto Muumin Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.
  2. Waxaa S/Guuto Cismaan Maxamuud Maxamed loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.
  3. Waxaa G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska Gobolka Mudug.
  4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Sidookale madaxweynaha ayaa magacaabay maxkamadda sare ee maamulka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 75 ee 26-ka Oktoober 2022 kuna saabsan Magacaabida Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland

Markuu  arkey: Qodobka  80-aad  farqadda 18-aad, ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland, kuna saabsan Awoodaha iyo Masuuliyadda Madaxweynaha, ee magacaabida Garsoorayaasha Madaxkamadda Sare.

Markuu arkey: Qodobka 90-aad farqadaha 1 iyo 2 ee Dastuurka maamulka Puntland,
kuna saabsan xubnaha Maxkamadda Sare.

Markuu arkey:  Qodobka 91-aad ee Dastuurka maamulka Puntland, kuna saabsan shuruudaha lagu noqon karo Garsoore Maxkamadda Sare.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Waxuu xeeriyey
Qodobka  1-aad

Waxaa Mudanayaasha hoos ku xussan loo magacaabey Garsoorayal Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland, mudda xileed 5 sana ah, sida uu qeexayo qod. 90-aad farqadda 3, ee Dastuurka Dowladda Puntland.

  1. Xassan Yuusuf Nuur                                Guddoomiye
  2. Axmed Sheikh Cumar Xassan               Guddoomiye Ku-xigeen.
  3. Saciid Axmed Faarax                                Garsoore.
  4. Maxamuud Cawad Cumar                      Garsoore.
  5. Saciid Maxamuud Maxamed               Garsoore.
  6. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Garsoore Kayd ah  .
  7. Aadan  Axmed Moxamed                         Garsoore Kayd ah

Qodobka 2-aad

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...