Monday, April 20, 2026
28.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen iyo Odayaasha dhaqanka KG oo ka shiray soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka cusub

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa kulan la qaatey Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa looga hadlay soo xulista Xildhibaanada iyo Dardar gelinta iswaa fajinta xildhibanada iyo Datuurka KGS oo ku xusan in Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed laga dhigo 95 Xildhibaan meesha hadda ay kayihiin 149 mudane

Afhayeenka Odeyaasha Dhaqanka koonfur Galbeed Malaaq Deerow Yacquub Cali ayaa ka warbixiyey muhiimada kulanka iyo Waxyaabihii looga hadlay.

Malaaq Deerow ayaa sheegay in Madaxweyne Laftagareen uu codsaday in hoos loo dhigo tirada xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in la waddo daddaallo lagu qancinayo beelaha qaar oo arintaasi si weyn uga soo horjeeda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...