Saturday, May 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha HirShabeelle ‘Waare’ oo Madaxtooyada Jowhar kula kulmay Saraakiil AMISOM +(SAWIRRO)

Jowhar (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Tallaadadii maanta Madaxtooyada Jowhar ku qaabilay saraakiil ka tirsan Ciidamada Amisom ee ka howlgala deegaannada Hirshabelle waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira amniga, iyo xoojinta wada shaqeynta.

Saraakiishani ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyay howlaha Ciidamada Amisom Gaar ahaan Taliska Sector 5 ee ka howlgala Hirshabelle iyo qorshayaasha la xiriira suggidda amniga waxaana Madaxweyne Waare uu kaga mahadceliyay dadaalkooda la xiriira sugida amniga.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen qorshaha kala guurka Amisom xoojinta wada shaqeynta Hey’adaha amniga iyo Amisom.

Saraakiisha Amisom iyo Madaxda Maamulka Hirshabelle ayaa sidoo kale intii uu shirka socday isla soo hadal qaaday qaadista duulaan ka dhan ah Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...