Monday, April 20, 2026
31.6 C
Mogadishu

Ma runbaa in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Baledxaawo ay isku dhiibeen Al-Shabaab?

Baledxaawo (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen qaar ka mid ah maamulka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, sida laga baahiyay Warbaahinta Al-Shabaab.

Idaacada Andalus ee ku hadasha afka Shabaab ayaa laga sii daayay magacyada xubno la sheegay inay ka mid yihiin Maamulka Degmada Baled Xaawo oo go‘aansaday inay Shabaab isku dhiibaan.

Xubnaha Shabaab ay soo bandhigeen magacyadooda ayaa kala ah.

Xuseen Jibriil Ibraahim oo Shabaab ay sheegeen inuu ahaa guddoomiye ku xigeenka xafaadda 8-aad ee Baled xaawo.

Xuseen Sahal Aadan oo Shabaab ay ku sheegeen inuu ahaay guddoomiye ku-xigeenka xaafadda 7-aad ee Baled xaawo.

Cabdiweli Iftiin Barrow oo Shabaab ay ku sheegeen guddoomiyaha Xaafadda 7-aad ee magaalada Beledxaawo.

Ugu dambeyn Maxamed khaliif xasan ayeey ku sheegeen inuu ahaay guddoomiyaha xaafadda 8-aad ee magaalada Beled Xaawo.

Ilaa iyo hadda ma jirto ilo ka madax banaan Shabaab oo xaqiijinaya arrinta ku saabsan inay isa soo dhiibeen xubno ka tirsanaa Maamulka Degmada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...