24.5 C
Mogadishu
Saturday, August 13, 2022

Guddoomiyihi hore ee G/Banaadir oo si kulul uga hadlay falkii lagu xayiray Sheekh Shariif Sh. Axmed

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed/Sawir Hore/Keydka

Muqdisho (Halqaran.com) – Taabit Cabdi Maxamed, gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa si adag uga hadlay tallaabadii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed looga hor istaagay inuu ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha Aadan Caddde, xilli uu doonaayay inuu gaaro Magaalada Kismaayo.

Qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada ayaa Taabit Cabdi Maxamed, waxa uu ku sheegay inay tahay arrintaasi mid aad looga xumaado, islamarkaana xilligaan aan loo baahneyn Madaxda dowladda inay ku kacaan falal lagu caburinaayo madaxdii hore ee dalka.

Qoraalka uu soo dhigay Taabit Cabdi Maxamed Bartiisa xiriirka Bulshada ayaa waxa ay u qornayd sidan.

”Waxa ka dhacay Airporka Aadan Cadde waa wax laga wada fajacay oo aanan marnaba la filan karin. Madaxweyne Sharif Sh. Ahmed oo ka mid ah astaamaha dalka, Dowladda rasmiga ee maanta la heystana sababteeda lahaa, in xad-gudubkaa loo geystaa waa CEEB QARAN.” Ayuu yiri Taabit

”Xorriyadda hadalka iyo isu-socodka waa mid ku dhowrsan xeerarka caalamiga ah iyo mida dastuurka dalka. Sharafka iyo karaamada aadanaha waa laguma xadgudbaan, dhowristeedana waa waajib saaran dadka oo dhan, sida ku cad dastuurka dalka.”

Taabit Cabdi Maxamed, ayaa sidoo kale sheegay inuu aad uga xun yahay muwaadiniinta kale ee Somaliyed uu saameeyay falkii dowladda ay ku sameysay Shariif Sheekh Axmed, kuwaasi oo u dhoofi lahaay Magaalada Kismaayo.

”Waxaan sidoo kale aad uga xumahay muwaadiniinta kale ee maanta is-hor-istaagaas uu si guud iyo si gaar ahba u saameysay Dowladda Federaalka waxaa la gudboon in ay si waafi ah mashaqadan jawaab uga bixisaa, iyada oo maanka ku heysa in sharcigii dalka la baal maray wixii maanta ka dhacay Airporka Adan Cadde.”

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as...

One million people displaced by drought in Somalia, says UN

A historic drought in Somalia has now displaced one...

Uganda, Somalia ink MoU on Defence Cooperation

Somalia and Uganda have signed defence cooperation agreement following...

FAO appeals for over $130M to assist 882,000 people across drought-hit Somalia

By - Mohammed Dhaysane  / AA The UN Food and...

Kenyan presidential candidates in final dash before vote to succeed Kenyatta

Flanked by cheering crowds, the frontrunners in Kenya's presidential...
spot_img

Duqa Muqdisho ‘Cumar Filish’ oo dhagax dhigay dhismaha Buundo muhiim ah

Muqdisho (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Sabtida maanta ah dhagax dhigay dib-udhiska Buundada...

DAAWO VIDEO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardaaran cajiib ah u diray Shacabka Somaliland

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mudaaharaadyadii rabshadaha xigay ee Khamiistii ka dhacay qaar ka mid ah Magaalooyinka...

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as Wajir South member of parliament. Mohammed Adow who was a correspondent of the international media won...