Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidanka Qalabka Sida oo maanta tagey magaalad Gaalkacyo + (Ujeedka)

Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute)

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute), gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, iyo xubno uu horkacayo ayaa maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Gudoomiyaha ay Magaalada Gaalkacyo u taggeen, sidii ay u dhageysan lahaayen rag ku xiran xabsiyada magaaladaasi, oo eedeymo kala duwan loo haysto.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa lagu wadaa in dhageysiga ka dib uu sharciga ku qaado xubnaha ku xiran xabsiyada Gaalkacyo.

Tagitaanka Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) ee Magaalada Gaalkacyo ayaa wuxuu muujinaya fulinta sharciga iyo ka shaqaysiinta cadaaladda.

Korneyl Shuute oo horey u tagey Magaalooyinka Dalka qaarkood ayaa xukuno kala duwan ku riday xubno u badnaa, kuwo lala xiriirinayo maleeshiyada Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...