Friday, May 15, 2026
27.3 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo gaaray Wanlaweyn

Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute)

Wanlaweyn (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute iyo Garsoorayaal ka tirsan maxkamadda Ciidamada ayaa gaaray Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha hoose.

Wanlaweyn waxaa horay u gaaray Ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo sugaayay ammaanka Magaaladaasi, kalana dhex galay beelihii dagaalamaayay.

Ujeedada wafdigan ay u gaareen magaalada Wanlaweyn ayaa waxa ay tahay sidii loo dabageli lahaa falal tacadi ah oo ka dhacay Degmada Wanlaweyn oo ay gaysteen kooxo hubaysan oo aano qabiil ka duulaya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Baraha Bulshada lagu faafinaayay Falal argagax leh oo laga soo duubay tuulooyin hoostagga Degmada Wanlaweyn, waxaana muuqaalo lagu arkaayay shaqsiyaad la gubaayay.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo qaada kiisaska Ciidamada la xiriira ayaa lagu wadaa inay soo dhageysto fal dambiyeedyada ka dhacay Wanlaweyn, kadibna maxkamadda dad ay u soo qabato.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...