Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha xarun ay qarxiyeen Al-Shabaab +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa uu dhagax dhigay dhismaha xarunta degmada Warta Nabada oo horey Al-Shabaab qarax ku bur buriyeen.

Guddooomiye Cumar Filish ayaa sheegay in dib u dhis ballaaran lagu sameyn doono Xarunta Degmada, si loo dardargeliyo adeega shacabka ku nool Degmada Warta Nabadda ,isaga oo baaq u diray Shacabka ku nool Caasimadda in ay kaalin weyn ka qaataan horumarinta Caasimadda, Amniga iyo isdhexgalka bulshada .

14kii Bishii May sanadkii 2019 ayeey Shabaab Qarxiyeen Xarunta Maamulka Degmada Warta Nabadda, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen shaqaalaha qaar, kuwana ay ku dhinteen.

Todobo bilood kadib waxaa suuragashay in maanta la dhagax dhigo dhismaha Xarunta Degmada Warta Nabadda si dib loogu hagaajiyo.

Ururka Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa ay qarxiyeen xarumaha Degmooyink Hodan iyo Hawlwadaag, inkastoo Xarunta Degmada Hodan dib loo dhisay, xarigana laga jaray.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...