Thursday, June 18, 2026
25.7 C
Mogadishu

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo ku dhawaaqay tirada ururrada siyaasadeed oo ay diiwaangeliyeen

Garoowe (Halqaran.com) – Guddiga doorashooyinka KMG ah ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Khamiista maanta waxa ay ku dhawaaqeen Tirada Ururada siyaasadeed oo ay diiwaangeliyen saddexdii Bilood oo ay ku guda jireen Diiwaangleinta Ururada.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Guuleed Saalax Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay diiwangeliyeen 17 Ururo Siyaasadeed, kuwaas oo uu sheegay inay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.

Guuleed Saalax Maxamed ayaa sidoo kale xusay, inay jiraan Afar Urur Siyaasadeed oo ana weli soo buuxin shruudaha,hayeeshee dhawaan markii ay soo dhameystiraan ay soo bandhigi doonaan,iyaga oo ku biiraya 17 Urur ee Guddigooda sida hordhaca ah uu u diiwaangeliyey.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu soo bandhigay Magacayada 17-ka urur oo ay diiwaangeliyeen, iyaga oo sidoo kale sheegay in ururrada siyaasadda laga doonayo in ay soo dhammaystiraan shuuudaha ugu dambeyn 22-ka bisha Apriil ee sannadkan 2020.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...