Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Faah-faahin cusub oo ku saabsan Injineeradii Turkiga ee qaraxii maanta Ex-kontrol Afgooye ku dhintay

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya Qaraxii Ismiidaaminta ahaay ee ka dhacay Isgoyska Ex control Afgooye ee Magaalada Muqdisho, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaay Ajaanib.

Laba Injineer oo ka shaqeynaayay dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa ku dhintay Qaraxaasi, waxaana ay saarnaayeen gaariga oo qaraxa markii uu dhacay meesha maraayay.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka dowladda ayaa waxa ay sheegeen inay suuragal tahay bartilmaameedka qaraxa uu ahaay Injineeradaasi u dhashay dalka Turkiga.

Injineerka guud ee dhismaha wadada ku hawlan oo saarnaay gaariga aan xabada karin ayaa ka badbaaday Qaraxaasi, waxaana ku dhaawacmay darawalkii gaariga waday.

Labada Injineer ee dhimatay ayaa la geeyay maydkooda Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo Saraakiisha Safaarada Turkiga ay ugu yimaadeen maydadka.

Qaraxii Ismiidaaminta ahaay ee saaka ka dhacay Isgoyska Excontrol ayaan illaa iyo hadda la haynin tiro sax dadkii ku dhintay, waxaana dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan la geeyay Isbitaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...