Tuesday, October 28, 2025
27.7 C
Mogadishu

Qadar oo dardar gelineysa taakulada dib u dhiska ciidamada Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta maamulka GalMudug ku qaabilay wafdi ka socda wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Qadar.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xoojinta taageerada dowladda Qadar ay ugu talagashay dhismaha iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida waxaana goobjoog ka ahaa kulanka wasiirka amniga gudaha, wasiirudowlaha wasaaradda Gaashaadhigga, Taliyayaasha ciidanka Xoogga, Booliska iyo Asluubta Soomaaliya.

Wafdiga oo ay wehliyaan taliyayaasha ciidamada dalka ayaa si wadajir ah qiimeyn ugu sameeyay xarumaha ciidamada ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb oo la filayo in dhawaan dib-u-dhis lagu sameeyo.

Qadar ayaa ka qeyb qaadaneysa dhismaha ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan dhismaha xarumaha ciidamada ee ku yaalla Dhuusamareeb arrintaas oo qeyb ka ah barnaamijka taakuleynta ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay Qaramaynta ciidamadii Ahlusunna Waljamaaca si ay qayb uga noqdaan ciidamada qaranka, looguna diyaariyo ka qayb qaadashada xoreynta deegaannada Galmudug ay uga sugantahay kooxda Argagaxisada.

Tayeynta ciidanka xoogga dalka, dhismaha xarumaha ciidanka, iskudhafka iyo qalababeynta ciidanka, ayaa qeyb ka ah halbeegyada ugu waawayn ee Tubta Amniga iyo Caddaaladda.

Xariirka ka dhexeeya dowladda Soomaaliya Qadar ayaa ah mid aad u wanaagsan siina xoogeysanaya tan iyo sanadkii 2017-kii kolkaas oo dowladda Soomaaliya ay dhedhexaad ka noqotay khilaafka u dhexeeya dalalka khaliijka iyo Qadar.

Shirkadda duullimaadyada Qatar Airways ayaa billowgii bishan Soomaaliya ka hirgelisay duullimaad toos ah oo isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Dooxa.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...