Friday, June 19, 2026
26.9 C
Mogadishu

UPDATE: Dowladda Jarmalka oo diiday in Mareykanka uu cunaqabateeyo dalka Ciraaq

Berlin (Halqaran.com) – Dowladda Jarmalka ayaa si weyn uga soo horjeesatay hanjabadaha iyo cunaqabateennada ee Mareykanku ugu goodiyay dalka Ciraaq.

‘‘Hanjabaadaha iyo cunaqabateennada ka dhanka ah dalka Ciraaq ma ahan mid sax ah‘‘, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Heiko Maas ayaa sidaas yiri, xilli uuTrump ugu goodiyay Baqdaad in uu saari doono cunaqabateyn aysan waligood arkin haddii ay ku adkeystaan in ciidamada Mareykanku ka baxaan dalkooda.

“Ma u maleynayo in Ciraaq sidaas wax looga dhaadhicin karo” ayuu yiri Heiko, mar uu u warramayey Idaacadda Deutschlandfunk.

Heiko Maas ayaa intaasi ku daray in Jarmalka, Ingiriiska iyo Faransiisku ay ka wada hadli doonaan heshiiska Niyuukleerka Iiraan isla toddobaadkanna ay u jawaabi doonaan Iiraan.

Iiraan ayaa Axaddii sheegtay in ay ka laabaneyso dhammaan heshiisyadii ku aaddanaa horumarinta niyuukleerka ee la gaaray 2015-kii, kaas oo u dhaxeeyay Iiraan iyo lixda quwadood ee waaweyn.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...