Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Wasiir Maareeye ‘‘Qof kasta oo Somaliya ku dhinta maanta waxay Dowladdu u aqoonsantahay inuu dilay Coronavirus‘‘!

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa digniin xasaasi ah waxa uu la wadaagay bulshada Soomaaliyeed, taa oo loo arkay mid la xiriirta ka taxadarka xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus.

Maareeye ayaa sheegay in qof kasta oo maanta u dhinta xanuunada caadiga ah, ay dowladda u aqoonsatay inuu dilay Coronavirus.

“Mid wuxuu dhahayaa malaariyaa i haysa, Malaariyuu u dhintay, cagaarshow buu u dhintay waxba kama jiraan. Dowladda Soomaaliya qofkasta oo dhinta maanta waxay u aqoonsatay Coronavirus inuu dilay, maadaama uu isaga u badan yahay.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Maareeye oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale  yiri; “Ogaada qofkasta oo dhintay waxaan u aqoonsanahay Coronavirus inuu dilay.”

Sidoo kale, wuxuu intaasi raaciyay wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, in aanan dadka looga baahnayn inay mala awaal isugu sheekeeyaan, loogana baahan yahay inay si dhab ahi u qaataan khatarta Coronavirus.

“Marka yaan waxba been la isku sheegin, qandho oo dhami waa Coronavirus.” Ayuu yiri Mr. Maareeye.

Ugu dambeyn, Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo xoojinaya digniintiisa uu dadka la wadaagayo ayaa intaa ku daray “Dadka waxaan leenahay qofka qandheysan halaga dheeraado.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...