Monday, May 11, 2026
28.1 C
Mogadishu

DHAGEYSO + SAWIRRO: Maxaa ka cusub maanta xarumaha shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug ee Dhuusamareeb +(Daawo Sawirro)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddiga qabanqaabada shirweynaha dib u hesiisiinta beelaha Galmudug ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii kormeeray Xarunta lagu wado in lagu qabto gogosha lagu heshiisiinayo beelaha degga Galmudug.

Xaruntan oo ka kooban dhismooyin qaybo kala duwan isugu jira ayaa waxaa sidoo kale loogu talagalay in la dejiyo ergooyinka la fillayo inay beelaha ku metelaan shirweynahaasi.

Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta beelaha Galmudug, Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow iyo qaar ka mid ah xubnaha guddiga ayaa soo indho indheeyay goobta loogu talagalay in lagu qabto shirweynaha lagu wado in uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la soo gebagabeeyay diyaargarowgii loogu jiray in shirweynaha uu ka qabsoomo Xarunta Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in Sabtida berrito uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb.

Shirkan ayaa sida uu qorshuhu ahaa 5-tii bishan lagu waday in uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb, balse uu dib u dhac ku yimid.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYE BAADIYOW:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...