DHAGEYSO + SAWIRRO: Maxaa ka cusub maanta xarumaha shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug ee Dhuusamareeb +(Daawo Sawirro)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddiga qabanqaabada shirweynaha dib u hesiisiinta beelaha Galmudug ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii kormeeray Xarunta lagu wado in lagu qabto gogosha lagu heshiisiinayo beelaha degga Galmudug.

Xaruntan oo ka kooban dhismooyin qaybo kala duwan isugu jira ayaa waxaa sidoo kale loogu talagalay in la dejiyo ergooyinka la fillayo inay beelaha ku metelaan shirweynahaasi.

Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta beelaha Galmudug, Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow iyo qaar ka mid ah xubnaha guddiga ayaa soo indho indheeyay goobta loogu talagalay in lagu qabto shirweynaha lagu wado in uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la soo gebagabeeyay diyaargarowgii loogu jiray in shirweynaha uu ka qabsoomo Xarunta Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in Sabtida berrito uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb.

Shirkan ayaa sida uu qorshuhu ahaa 5-tii bishan lagu waday in uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb, balse uu dib u dhac ku yimid.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYE BAADIYOW:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com