Monday, May 11, 2026
28.1 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Ogow Caqabadaha hor-taagan Shirka dib-u-heshiisiinta Beelaha Galmudug & Dr. Baadiyow oo sheegay xaqiiqda! +(WAREYSI)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddiga dib-u-heshisiinta maamulka Galmudug ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu doonaayo in lagu furo Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo markii labaad dib u dhac ku yimid.

Qaar ka mid ah beelaha degan maamulka Galmudug ayaa wali diidan in ay ka qeyb galaan Shirka maamulka Galmudug.

Beelahan ayaa sheegay in ay qabaan tabashooyin ku aadan hanaanka dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku waddo dhismaha maamulka Galmudug.

Caqabaddaha ugu weyn waxaa ka mid ah Ammaanka xarunta shirka Dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo wali aan Ciidan rasmi ah lagu wareejin, taasoo keentay in Boolis iyo nabad-suggid ay ku dagaallamaan.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ah guddoomiyaha guddiga u dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo la hadlay Radio Risaala ayaa sheegay in dhammaan Ergooyinkii ka qeyb galaayay Shirka ay soo gaareen Magaalada Dhuusamareeb, maalmaha soo socdana uu shirka furmi doono.


Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...