Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddiga dib-u-heshisiinta maamulka Galmudug ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu doonaayo in lagu furo Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo markii labaad dib u dhac ku yimid.
Qaar ka mid ah beelaha degan maamulka Galmudug ayaa wali diidan in ay ka qeyb galaan Shirka maamulka Galmudug.
Beelahan ayaa sheegay in ay qabaan tabashooyin ku aadan hanaanka dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku waddo dhismaha maamulka Galmudug.
Caqabaddaha ugu weyn waxaa ka mid ah Ammaanka xarunta shirka Dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo wali aan Ciidan rasmi ah lagu wareejin, taasoo keentay in Boolis iyo nabad-suggid ay ku dagaallamaan.
Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ah guddoomiyaha guddiga u dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo la hadlay Radio Risaala ayaa sheegay in dhammaan Ergooyinkii ka qeyb galaayay Shirka ay soo gaareen Magaalada Dhuusamareeb, maalmaha soo socdana uu shirka furmi doono.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com