Thursday, April 30, 2026
28.5 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Maxaa ka soo baxay Kulankii madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Vladimir Putin?

Sochi (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Ruushka kana qeyb-galaya Shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ayaa waxaa uu kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalkaas Vladimir Putin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale xalay ka qeyb galay Casho sharaf uu ku maamuusay Madaxweynaha Ruushka dhammaan Madaxda ka qayb gashay shirka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo faah faahin ka bixinayay kulanka labada Madaxweyne ayaa sheegay in Madaxweynaha ruushka uu Soomaaliya u balan qaaday in uu ka taageero dagaalka ay Dowladda kula jiryo Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Aduunka uu muhiim u yahay dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ugu weyn tahay, isla markaana dowladda Ruushka ay sheegtay inay Soomaaliya ka taageereyso dhinaca Ammaanka.

Ruushka ayaa ku dhawaaqay inuu ka cafiyay qaaradda Afrika deyntii uu ku lahaa, tan oo jid cusub u fureysa xiriir qoto dheer oo iskaashi uu Ruushka la yeesho Qaaradda dihin ee Afrika.

Halka hoose ka dhageyso Codka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...