Thursday, November 13, 2025
28.7 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Maxa Sabab u ah dib u dhacyada badan ee ku yimid Shirka dib u heshiisiinta Galmudug? goormee ayuu ugu dambeyn uu furi doonaa?!

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Waxaa magaaladda Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug ka socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirka dib u heshiisiinta maamulkaasi, waxaana kawada qeybgalayaan beelaha ku midoobay dhismaha dowlad goboleedkaas.

Guddoomiyaha kooxda gacanta ku haysa kulankaasi oo loo qorsheeyay in uu socdo 10 illaa iyo 5 casho, Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa waxaa uu ka warbixiyey halka ay wax u marayaan iyo ujeedooyinka laga leeyahay shir waynahani.

Dr Cabdiraxmaan Baadiyow oo wareysi siiyey laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxa uu daboolka ka qaadey in mid kamid ah ujeedooyinka laga leeyahay shirkan ay tahay in uu kasoo baxo shaacin ah in dib loo dhisayo Galmudug.

Arrintan oo ay dabin khatarteeda leh ayaa waxay meesha ka saareysaa dhammaan mas’uuliyiinta Galmudug ee haatan jira, taasi oo dhabaha u xaareysa in xukuumadda ay si buuxda ula wareegto maamulka.

Shirka dib u heshiisiinta kadib, ayaa waxaa xigi doona mid kale, kaasi oo lagu wado in looga doodo awoodaha awood qeybsiga beelaha, kadibna lasoo xulo Xildhibaanadii dooran lahaa madaxda cusub ee hoggaamin doonta maamulka Galmudug.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...