Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamaiga Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay bixinayso abaal marin sanadle ah oo lagu maamuusayo weriye Hodan Naaleeye oo ku geeriyootay weerarkii jimcihii ka dhacay Kismaayo.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay aqoonsanayso waxqabadka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee waxtarka muuqda kusoo biiriyay bulshada Soomaaliyeed ee uu burburku kala irdheeyay.
“Annaga oo tix gelinayno noloshihii qiimaha badnayd ee Hodan Naaleeye wasaraadda arrimaha dibaddi waxay bixin doontaa abaalmarin ay ugu magac dartay Hodan Naaleeye” ayuu yiri wasiir Cawad.
Hodan ayaa ahayd gabadh saxafiyad ah, leh hal abuur waxayna ahayd aasaasaha telifishin ay ka hirgelisay dalka Canada, kaas oo ay ugu tala gashay baahinta muuqaallada wanaagsan ee ka tarjumaya horumarka nabadda Soomaaliya.
Hodan ayaa ka mid ahayd 26 qof oo Jimcihii la soo dhaafay ku geeriyooday weerar ismiidaamin ah oo kooxda al-Shabaab ay ku qaadeen hotel ku yaalla magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya.
Dalka Canada oo ahaa wadankii ay Hodan kusoo barbaartay ayaa u gartay in gabadhani ay ugu magac daraan mid ka mid ah deeqaha waxbarasho ee ay bixiyaan jaamacadaha dalkaas.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
halqarannews@gmail.com