Sunday, May 3, 2026
28.7 C
Mogadishu

DF Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo maanta ka shiray qorshaha dayn cafinta & arrimo kale oo muhiim ah +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Kulan u dhexeeya midawga Yurub iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo looga hadlay ajandayaal muhiim ah ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa looga hadlay kobcinta dhaqaalaha, xaqiijinta guulaha laga gaaray deyn cafinta iyo maal gelinta dib-u-habeynta amniga, si guul looga gaaro qorshaha dib-u-habeynta amniga, ciidamada qarankuna ay awood ugu yeeshaan la wareegidda amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirrada Maaliyadda, Dastuurka iyo haweenka ayaa ka qayb galay shirka, dhanka midawga Yurub, wafuudda ka qayb galeysay oo safiirro ay qayb ka ahaayeen ayaa waxaa hoggaaminayay safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga.

Kulanka oo qayb ka ahaa shirarka joogtada ah ee looga hadlo horumarinta wadashaqeynta ka dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay dimuquraadiyadda, federaaleynta, doorashooyinka, xuquuqda Aadanaha iyo dowrka haweenka ee ka qayb galka siyaasadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...