Sunday, June 21, 2026
27.1 C
Mogadishu

AKHRI: DF Somaliya oo war culus ka soo saartay dilkii Almaas Elman, kuna hanjabtay inay ….

Muqdisho (Halqaran.com) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay si kulul u cambaareysay dilkii Almaas Elman loogu gaystay Magaalada Muqdisho, iyadoo aan la garanayn cidda dhabta ahi ee dishay.

War qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dilka loo gaystay Almaas Elman, iyadoona tacsi loogu diray qoyskii iyo eheladii ay ka baxday.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in uu socdo baaritaan ku aadan dilka Almaas Elman, waxaana shacabka Soomaaliyeed loo sheegay in cadaaladda la horkeeni dooni kuwii ka dambeeyay dilkeeda.

Dilka Almaas Elman ayaa wuxuu gelinkii dambe ee Arbacadii shalay ka dhacay wadada xiriirisa Xarunta Xalane iyo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Almaas Elman ayaa ka hor inta aan la dilin waxay ka soo baxday shir Midowga Yurub uu ku lahaa Xarunta Xalane, iyadoona ku sii socotay Garoonka Aadan Cadde, si ay dib ugu laabato Magaalada Nairobi, oo maalmo ka hor ay ka timid.

Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta ayaa u qornaa sidatan:-

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...