Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

DEG DEG: Wafdigii Shariif Sh. Axmed oo loo fasaxay inay ka dhoofaan Garoonka Aadan Cadde (Maxaa isbeddelay?)

Muqdisho (Halqaran.com) – Saacado kaddib markii lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, ayaa goor dhaweyd waxaa la fasaxay diyaaradii qaadi laheyd xubnaha Wafdigaasi.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya ayaa bartiisa xiriirka Bulshada wuxuu ku xaqiijiyay saacado kadib in la fasaxay xubnaha Wafdigaasi oo Baledweyne ay u dhoofeen.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa ujeedada socdaalkooda Magaalada Baledweyne waxa ay la xiriirtaa gargaar ay u wadaan shacabka Magaalada Baledweyne.

“Dhowr saacadood oo garoonka diyaaradaha ay ku xayirnaayeen Madaxweyneyaashii hore Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif hada ayaa la fasaxay diyaaradii magaalada Beledweyne u qaadi lahayd iyaga iyo wafdigooda oo gargaar u waday shacabka reer Beledweyne ee fatahaadaha wax yeeladu ka soo gaartay. Amarka lagu celiyay diyaarada Madaxweyneyaasha qaadi lahayd ayaa la sheegay in ay bixisay Hay’adda Nabad Sugida.”Ayuu yiri Mahad Salaad.

Mahad Salaad ayaa sheegay in NISA dhawr mar ay is hortaag ku sameysay dad kala duwan oo Garoonka ka dhoofi lahaay, balse taasi aysan aheyn dhaqan dowladnimo.

“Dhowr jeer hore ayay dhacday dad safraya oo Hay’adda Nabad Sugida is hortaag ku sameysay. Arintaan ayaa ka dhigan dhaqan aan wanaagsanayn oo dowladnimada wax loogu dhimayo soona nooleynaysa dhaqamo xun xun oo dadka Soomaaliyeed ka bogsoodeen.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...