Monday, May 11, 2026
28 C
Mogadishu

DEG DEG: DF Somaliya oo garoonka Muqdisho ku xirtay guddoomiye saaxiib dhow la ah Axmed Madoobe

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar goor-dhow ay heshay mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho lagu xiray guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, Iimaan Cadow Kaarshe, sida sarkaal ka tirsan DF Soomaaliya inoo xaqiijiyay.

Gudddoomiye Iimaan Cadow Kaarshe ayaa waxaa laga reebay diyaarad u socotay magaalada Garbahaarey oo uu garoonka ka raaci lahaa, waxaana u yimid ciidamada amniga oo siiyey warqad ay u ku qoran yihiin amaro sheegayo in laga doonayo saldhig ku yaalla garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in Iimaan Cadow hadda lagu hayo laguna wareysanayo saldhigaas. mana cadda waxa lagu haysto ee duulimaadka loogu reebay.

Iimaan Cadow Kaarshe ayaa ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo dowladda ay dagaal siyaasadeed xooggan kula jirto.

Arrintan ayaa waxa ay qeyb ka tahay, dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeya muddooyinkii dambe dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...