Tuesday, October 28, 2025
27.7 C
Mogadishu

Dagaal khasaare geystay oo maanta Boosaaso ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo Daacish

Boosaaso (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa waxa ay sheegayaan, in iska hor-imaad khasaare geystay uu duhurkii maanta dhexmaray kooxo hubaysan iyo Ciidamo ka tirsan amniga magaalada Boosaaso.

Waxaa la xaqiijiyay in hal askari oo ciidanka PSF ah iyo xubin ka tirsan maleeshiyaadka Daacish, ay ku dhinteen iska hor-imaadkaas.

Wararka ayaa sheegaya, in nolosha lagu qabtay xubin kale oo ka tirsan Daacish, kadib markii uu dhaawacmay.

Kooxda hubaysan oo ka tirsan Daacish, ayaa bartamaha magaalada Boosaaso ku weeraray askar ka tirsan Ciidanka PSF ee Puntland, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor-imaad kooban oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan.

Sidoo kale, ciidanka PSF ayaa gacanta ku dhigay hub iyo agab kale, oo ay wateen kooxda Argagixisada Daacish, kuwaas oo ay ku jiraan qaraxyo ay doonayeen in ay ka fuliyaan gudaha magaalada Boosaaso.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku hayo gaari laga soo dajiyay hub kala duwan oo la sheegay inay wateen dableyda  ka tirsan Daacish.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...