Wednesday, January 21, 2026
24.6 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Sheekh Shariif ”Dalkan wuxuu u burburay Caddaalad darro, mana aqbaleyno‘‘!

Madxweynihiii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sh. Axmed

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed oo loo doortay in uu Hoggaamiyo  Madasha Xisbiyada ay ku midoobeen qaar kamid ah xisbiyada siyaasadu, ayaa sheegay in aysan wali cadeyn nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa xili uu sii dhamaanayo waqtiga jiritaanka dowlada hada jirta.

Sheekh Shariif ayaa caddeeyay, in aysan marnaba aqbali karin in la aruuriyo koox loogu magac daray Xoogaga Wadaniyiinta kadibna doorasho lagu galo, waxa uuna xusay in aysan jirin wali wax laga heshiiyay oo ku aadan doorashada dalka ka dhaceysa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh ayaa sheegay in sababaha loo sameeyay Madasha Xisbiyada Qaran ay tahay sidii ay uga shaqeyn lahaayeen in dadku helaan cadaalad iyo wax heshiis lagu yahay, waxa uuna ka digay in awood wax lagu raadiyo.

Si kastaba, madasha xisbiyada qaran ayaa waxaa ku mideesan qaar ka mid ah xisbiyada dalka ka jira gaar ahaan xisbiyada Mucaaradka, waxaana xisbiyadan kamid ah Siyaasiyiin waa weyn ay kamid yihiin Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka Khubadda Sheekh Shariif:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...